7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 4 , 2022
Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya oo la kulmay Madax ka socday Bangiga Adduunka


Jimco, Febraayo, 4, 2022 (HOL) - Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa kulan kula yeeshay magaalada Muqdisho Agaasimaha Fulinta ee Bangiga Adduunka u qaabilsan Soomaaliya iyo xubno sare oo ka tirsan Bangiga.

Kulanka dhexmaray Wasiirka Maaliyadda Cabdiraxmaan Ducaale Beyle iyo Madaxda ka socotay Bangiga Adduunka ayaa looga hadlay arrimo muhiim ah oo ka mid ahayeen horumaradda laga sameeyay dib u habaynta dhaqaalaha Soomaaliya iyo mashaariicda horumarineed ee Bangiga Adduunka ka waddo gudaha Soomaaliya.

Bangiga Adduunka ayaa muhiim u ah horumarinta iyo soo kabashada dhaqaalaha Soomaaliya iyo sidoo kale dadaalada dib u habaynta nidaamka Maaliyadeed ee dalka Soomaaliya.

Kulankaan dhexmaray Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya iyo xubnaha sare ee ka socday Bangiga Aduunka ayaa imaanaya xili Bangiga Adduunka uu dhawaan Mashaariic horumarineed ka daahfuray magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.



Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online