7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 4 , 2022
Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashada Dalka oo go'aan ka gaaray sadax Kursi oo ka mid ah Golaha Shacabka

Jimco, Febraayo, 4, 2022 (HOL) - Guddiga hirgelinta dooashooyinka maamulka Hirshabeelle ayaa shaaciyay iney dib u dhigen doorashada laba kursi oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka ee deegaan doorashadooda tahay magaalada Jowhar, kuwaas oo sumadoodu kala tahay HOP 70 iyo HOP 115, islmarkaana uu guddiga horay u shaaciyay biloowgii bishan Febraayo.

War qoraal oo kasoo baxay guddiga xalinta khilaafaadka ayaa lagu shaaciyay in  dacwadii laga soo gudbiyay habkii ay u dhacday doorashadii sadaxdan kursi ay baaritaano ay ku sameyeen, islamarkaana habkii ay u dhacday doorashada kuraastaasi ay ahaayeen hab waafaqsan heshiiskii doorashada ayna ansax yihiin.

Kuraastaan ay shaaciyeen guddiga xalinta khilaafaadka iney yihiin kuwa saxan habkii ay doorashadooda u dhacday ayaa ahaa kuraas todobaadkii lasoo doorashadooda ka dhacday magaalada Muqdisho, kuwaas oo ka mid ahaa kuraasta Golaha Shacabka ee deegaan doorashadooda tahay gobolada Waqooyi ee Soomaaliland.

Hoos Ka akhriso Qoraalka Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashada Dalka.


Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online