7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 3 , 2022
Soomaaliya oo looga guulaystay xubinimada golaha nabadda iyo ammaanka midowga Afrika
 

Khamiis, Febraayo, 3, 2022 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa galabta looga guulaystay xubinimada kursiga golaha nabadda iyo ammaanka ee midowga Afrika, kadib markii kursigaas ay kula tartameen dalka Jabuuti oo horey ugu fadhiyay.

Shirweynaha midowga Afrika ee ka socda magaalada Addis Abab, ayaa ergada ka qeyb galaysa waxay dalka Jabuuti u doorteen xubintaas, taasoo ka dhigan in ay Jabuuti mar kale ku guulaystay oo difaacatay kursigan.

Jabuuti ayaa ergada doorashada ka heshay 19 cod, halka Soomaaliya ay 13 cod ka heshay. Soomaaliya ayaa muujisay dadaal xooggan, si ay u hesho taageerada dalalka Midowga Afrika intii uu socday ololaha doorashada kursigan.

Jabuuti ayaa ka dhigan in ay xubinamada golaha amniga iyo nabadda midowga Afrika sii hayndoonto illaa sanadka 2022-2025. Waxayna hadda horey u haysay labo sano.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa hoggaaminayay kooxda Diblomaasiyiinta iyo ergada Soomaaliya ee Midowga Afrika, kuwaas oo sameeyay dadaal kaste oo Soomaaliya ay ku hanan kartay kursigan oo aad muhiim ugu ah.



Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online