7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 3 , 2022
Kuraas ka mid ah Golaha Shacabka oo Maanta lagu doortay magaalada Dhuusamareeb
 

Khamiis, Febraayo, 3, 2022 (HOL) - Waxaa Maanta lagu qabtay magaalada Dhuusamareeb ee xaunta gobolka Galgaduud doorashada afar kursi oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka ee deegaan doorashadoodu tahay Dhuusamareeb.

Kursiga koowaad ee doorashada Maanta ka dhacday Dhuusamareeb oo tirsigiisu yahay HOP 139, waxaa ku guuleystay Cabdisamad Macalin Maxamuud oo ah wiil uu dhalay hoggaamiyaha Ahlu Sunna  waxaana u tanaasushay Xamdi Cali Shire oo aheyd Musharaxii la tartami laheyd, waxaana codad gacan taag ah uu ku helay 101 cod oo ahaa dhamaan codadka ergada sida uu guddiga dooashada Galmudug uu shaaciyay.

Kuraiga labaad ee doorashada Maanta ka dhacday Dhuusamareeb oo sumadiisu yahay HOP 049, waxaa ku tartamay ilaa afar Musharax oo kala ahaa Mustaf Sheekh Cali Dhuxuloow oo horay kursiga ugu fadhiyay islamarkaana helay 68 cod, Cabdullaahi Cabdi Guutaale oo isna hlay 21 cod, Jamiilo Cali Xeyle oo heshay 5 cod iyo Cabdinuur Ciise Xiireey oo aanan helin wax cod ah, waxaana halaabay 3 cod, waxaana sidaas ugu guuleystay kursiga Mustaf Dhuxuloow oo horay ugu fadhiyay.

Kursiga sadaxaad ee HOP 051, waxaa ku wada tartamay Xuseen Maxamed Nuur iyo Maxamed Geedi Cawaale, waxaana kusoo baxay doorashadaasi Xuseen Maxamed Nuur oo helay 81 cod halka Musharaxii la tartamay Maxamed Geedi Cawaale uu helay 14 cod, waxaana halaabay 2 cod.

Kursiga afaraad ee HOP 061, oo doorashadiisa Maanta ka djacfay Dhuusamareeb waxaa kusoo baxay cod gacan taag ah oo loo qaaday Dayax Axmed Cumar oo dhamaan ergadii u codeeysay 101 cod, kadib markuu tanaasulay Musharaxii la tartami lahaa Cabdiqaadir Abuukar Cabdi.

Doorashada kuraasta Golaha Shacabka ayaa tan iyo waxii ka dambeeyay shirkii Golaha wadatashiga qaran, waxay ku socota dardar gelin ku aadan qabashada doorashada kuraasta Golaha Shacabka oo lagu wado in la soo gabagabeeyo 25-ka bishaan Febraayo.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online