7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 3 , 2022
Soomaaliya oo rajo weyn ka qabta inay xubin ka noqoto golaha ammaanka Midowga Afrika
 

Khamiis, Febraayo, 3, 2022 (HOL) - Safiirka Soomaaliya u fadhiya  dalka Itoobiya, Cabdullaahi Axmed Jaamac (Ilkajiir) ayaa sheegay inuu aad ugu rajo weyn yahay in Soomaaliya loo doorto xubin ka tirsan golaha ammaanka iyo nabadgalyada Midowga Afrika.

Safiir Ilko-jiir oo la hadlayay warbaahinta dowladda, isagoo ka qeyb galayay shirka midowga Afrika ee ka socda Addis Ababa, wuxuu sheegay in dowladda Soomaaliya ay dalbatay in saddexda sano ee soo socota kamid noqoto golaha amniga midowga Afrika.

Doorashada xubnaha golaha ammaanka ayaa dhacaysa galabta  illaa caawa. Safiirku wuxuu sheegay inuu kalsooni ku qabo dadaalada ay Soomaaliya ugu jirto kamid noqashada guddiga Midowga Afrika ee nabadda iyo ammaanka

“Tiimam badan oo isaga kala yimid Muqdisho iyo Washington ayaa isugu yimid safaaradda Soomaaliya, si howshaas looga miro dhaliyo. Meel aad iyo aad u fiican ayayna maraysaa. Waxaan ku rajo weynahay galabta ama caawa inaan kasoo farxino ummadda Soomaaliyeed,” ayuu yiri safiirka Soomaaliya ee Itoobiya.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cabdisaciid Muuse Cali, ayaa hoggaaminaya wafdiga Soomaaliya uga qeyb galaya shir-madaxeedka Midowga Afrika, kaas oo looga hadlayey wax ka qabashada saamaynta cudurka Covid-19, Amni xumada, iyo horumarka dhaqan-dhaqaale ee Qaaradda.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online