7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 3 , 2022
Taliska Ciidanka DANAB oo sheegay in howlgalo qorsheysan ay ku dileen 7 ka tirsan dagaalamayaasha Al-shabaab

Khamiis, Febraayo, 3, 2022 (HOL) - Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed gaar ahaan Ururka afaraad ee ciidanka Kumaandooska DANAB ayaa howlgalo qorsheysan ka sameeyay saacadahii lasoo dhaafay deegaano badan oo hoostaga degmooyinka Qoryooleey iyo Awdheegle ee gobolka Sh/hoose.

Saraakiisha hoggaamineysay howlgalada ciidamada DANAB ka fulyeen gobolka Sh/hoose ayaa sheegay iney howlgalka ay ku burburiyeen Maxkamada Al-shabaab ku lahayeen tuulooyinka Adimoole iyo Degwariiri oo ku yaala inta u dhaxeysa degmada Qoryooleey iyo deegaanka Tooratooroow.

Ciidamada ayaa intii ay ku guda jireen howlgalkooda waxaa la sheegay iney dagaalo xoogan ay kula galeen dagaalamayaasha Al-shabaab tuulooyinka Mubaarak iyo Daarusalaam, taliyaha Ururka 83-aad Gaashaanle Nuuradiin Macalin Xuseen oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in howlgalada ay ka fuliyeen deegaanada hoostaga Qoryooleey iyo Awdheegle ay ku dileen 7 ka mid ah dagaalyahanada Al-shabaab.

Ciidamada Kumaandooska DANAB ayaa inta badan howlagalo qorsheysan ka sameeya deegaanada ay Al-shabaab kaga sugan yihiin gobolada sh/hoose iyo Sh/dhexe.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online