7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 3 , 2022
Barlamaanka Turkiga oo meel mariyay mooshin ku saabsan ciidamada Turkiga ee ku sugan Soomaaliya
 

Khamiis, Febraayo, 3, 2022 (HOL) - Baarlamaanka dalka Turkiga ayaa meel mariyay mooshin ogolaanaya in ciidamada Turkiga ee ku sugan Soomaaliya loo kordhiyo joogitaankooda ilaa 10-ka Feberaayo 2023.

Ansixintan ayaa kusoo beegmaysa xilli ciidamada Turkiga uu tababaray ee Soomaaliya lagu dhaliilay in madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday ee Farmaajo uu arrimo siyaasadeed u adeegsado.

Waa markii 14-aad ee Ankara ay kordhiso joogitaanka guud ahaan ciidamadeeda gacanka cadmeed tan iyo markii ugu horeysay ee uu ansixiyay baarlamaanka sannadkii 2008-dii.

Madaxtooyada Turkiga ayaa ka codsatay barlamaanka dalkaas muddo kordhinta Ciidamada Turkiga ee ku sugan Gacanka Cadmeed, badda iyo xeebaha Soomaaliya.

Hawlgalka ciiddamada Turkiga ayaa ku ekaa ilaa Febraayo 10, 2022.

Turkiga ayaa kamid ah dalalka ciiddamo ka joogaan Gacanka Cadmeed, oo dhow marin biyoodka Bab el-Mandeb, oo ah meesha afraad ee adduunka ugu wayn ee marinka saliidda, waa marin tamar  istiraatiiji ah oo loo maro saliidda cayriin ee Bariga Dhexe.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online