7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 3 , 2022
Maxkamadda Gobolka Maroodijeex oo go'aan kasoo saartay dacwada Coldoon
 

Khamiis, Febraayo, 3, 2022 (HOL) - Maxkamada Gobolka Maroodijeex, ayaa sheegtay in ay wax danbi ah ku wayday, eedaysane Cabdimaalik Muuse Coldoon, oo 19, Augost, 2021 laga soo xidhay magaalada Burco, kadib markii lagu eedeeyay in uu been abuur ka faafiyay dugsiga Abaarso iyo jaamacadda Barwaaqo.

Xeer ilaalinta, ayaa la sheegay in ay racfaan ka qaateen xukunka Maxkamada Gobolka Maroodijeex, kadib markii ay ku qanci waayeen, qaraarka maxkamada oo gabi ahaanba Coldoon ka dhigaya danbi laawe.

Dacwada Coldoon ayaa maxkamada ka socotay dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay, iyadoo dhibanayaashu ay maxkamada ka hor akhriyeen eedaha ay u haystaan Coldoon, sidaa si lamid ahna Coldoon, ayaa isna dhankiisa iska difaacay eedaha losoo jeediyay.

Xadhiga Coldoon ayaa yimid kadib markii, ay dacwadi kaga timid, Shabakada Dugsiyada Abaarso, iyo waalidiinta caruurtoodu wax ka barato oo Coldoon ku eedeeyay in uu ka been abuuray kadib, markii uu sheegay in "diinta masiixiga lagu faafiyo dugsiyada Abaarso".

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]