7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 3 , 2022
Kuraas ka mid Golaha Shacabka oo Maanta lagu dooranayo magaalada Dhuusamareeb
 

Khamiis, Febraayo, 3, 2022 (HOL) - Waxaa Maanta oo Khamiis ah lagu wadaa in magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud iney ka dhacdo doorashada afar kursi oo ka mid kuraasta Golaha Shacabka ee deegaan doorashadoodu tahay magaalada Dhuusamareeb.

Kuraasta doorashadooda la filayo in goordhaw ay ka bilaawdaan magaalada Dhuusamareeb ayaa kala HOP 139, HOP 049, HOP 051, HOP 061.

Kursiga koowaad ee lagu wado in maanta in lagu doorto Dhuusamareeb oo tirsigiisu yahay HOP 139, waxaa ku tartam doono laba Musharax oo lala ah Cabdisamad Maxamuud Xasan iyo Xamdi Shire Cali, waxaana kursigan afartii sano ee la soo dhaafay ku fadhiyay Cabdixakiin Macalin Axmed oo ka mid noqday Senatarada cusub  ee Aqalka sare.

Kursiga labaad oo sumadiisu tahay HOP 049, waxaa k tartami doono ilaa afar Musharax oo uu ka mid yahay Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow oo horay ugu fadhiyay kursigaan iyo Musharaxiinta kala ah Cabdullaahi Cali Guutaale, Cabdinuur Ciise Xiireey iyo Jamiilo Cali Xeyle.

Kursiga Sadaxaad oo tirsigiisu yahay HOP 051, waxaa ku tartami doono Musharaxiinta kala ah Maxamed Geedi Cawaale iyo Xuseen Maxamed Nuur, waxaana kursigaas ku fadhiyay afartii sano ee lasoo dhaafay Xasan Macalin Maxamuud.

Kursiga afaraad oo ah kan ugu dambeeya oo asna sumadiisu tahay HOP 061, waxaa ku wada tartami doono laba Musharax oo kala ah Dayax Axmed Cali iyo Cabdiqaadir Abuukar Cabdi, waxaana kursiga horay ugu fadhiyay Cabdiwali Maxamed Qanyare.

Doorashada Maanta ayaa dhaceysa xili guddiga doorashada Galmudug ay shaaciyeen iney dib u dhigeen kursiga tirsigiisu yahay HOP 071, kaasoo qorshuhu ahaa in doorashada maanta lala qabto, balse qoraal uu guddiga soo saareen ayay ku sheegeen in dib u dhigeen doorashada kursigaas oo ay sheegeen inuusan dhameystirneen habraaca kursiga, oo uu ku fadhiyay afartii sano ee lasoo dhaafay Xildhibaan Cabdisaabir Nuur Shuuriye.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online