7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 3 , 2022
Dowlad degaanka Soomaalida oo beeniyay dad la sheegay inay gaajo ugu geeriyoodeen gudaha degaanka
 

Khamiis, Febraayo, 3, 2022 (HOL) - Maamulka dowlad degaanka Soomaalida ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay wararka sheegaya in dad caruur u badan, ay gaajo iyo haraad ugu geeriyoodeen qaybo kamid ah dowlad degaanka Soomaalida.

Wasiirka Xafiiska ka hortagga Masiibooyinka ee dowlad degaanka Soomaalida Axmed Yaasiin Sh Ibraahim oo ay waraysatay Idaacadda VOA, ayaa sheegay inaysan hayn xogtaa sheegaysa in gaajo iyo haraad dad ugu geeriyoodeen gudaha degaanka.

Waxa kale oo uu sheegay in daba gal ay arrintan ku sameeyeen, iyo waliba xiriiro ay la sameeyeen maamulka degmada Qubbi ay sheegeen inaysan waxba ka jirin arrinta sheegaysa in caruur yaryar ay gaajo darteed ugu geeriyoodeen degmada Qubbi

Dowladdu waxa kale oo ay beenisay in isagana uu biyo la'aan u geeriyooday Oday waayeel ahaa, oo maalinimadii shalay ahayd ku geeriyooday gobolka Afdheer ee dowlad degaanka Soomaalida, Odaygaas oo la sheegay inuu harraad u geeriyooday

Maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa soo baxayay warar sheegayay in degmada Qubbi oo ka tirsan Gobolka Erar ee dowlad degaanka Soomaalida, ay caruur gaaraysa ilaa 5 gaajo iyo oon ugu geeriyoodeen halkaas, iyadoo geerida caruurtaas ay Warbaahinta u xaqiijiyeen Aabaha dhalay qaar kamid ah caruurtaas geeriyootay iyo mid kamid ah Oday dhaqameedka degaankaas.

Abaar daran ayaa muddooyinkii u dambaysay waxay ku habsatay inta badan dowlad degaanka Soomaalida, taas oo dad iyo duunyaba saamaysay.

Abdilahi Jawhar, Hiiraan Online
[email protected]