5/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 28, 2022
Madaxweyne Zelenskyy" Ma filayo in natiijo ka soo bixi doonto wadahalada"
 

Isniin, Febraayo, 28, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy, ayaa sheegay in uu filayo in wax natiijo ah oo lagu farxo aan laga gaadhi doonin wadahadalada xadka Belarus uga socda dowladiisa iyo Ruushka, dhinacakalena dadkiisa ayuu ku amanay adkaysiga ay muujiyeen.

Waxa uu sheegay in uu wadahadalada u galay si aanay dadkiisu ugu malayn in uu isagu nabada ka caga jiidayo, oo uu wadahadalka aqbali waayay.

"Hadaan runta idiin sheego, ma aaminsani in kulankani najiijo yeelan doono, lakin waxay iga ahayd uun bal aan isku dayno, si anay dadka reer Ukraine ugu malayn in aan diiday in aan dagaalka joojiyo markii ay jirtay fursad yar" ayuu yidhi Zelenskyy.

Dadka reer Ukraine ayuu madaxweyne Zelenskyy ku amaanay in ay muujiyeen adkaysi iyo geesinimo.

"Geesiyaasha Ukraine, waa maalintii 5aad oo Ruushku uu weerar buuxa ku hayso dadka reer Ukraine, walina waynu taaganahay, waxaynu helayna wax dadka kale anay heli karin noloshooda, dadka qaar ayaa leh reer Ukraine dadka lamid maaha, maynaan ogayn waxaynu awoodno, waa arrin dhiirigalin leh" ayuu yidhi Zelenskyy.

Warbixinaha hordhaca ah ee kasoo baxaya wadahadalada u sononaya waftiyada Ukraine iyo Ruushka ayaa la sheegaya in aan labada dhinac midna wali samayn wax tanaasula.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online