5/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 28, 2022
Raysal wasaaraha Soomaaliya oo guddi u magacaabay caqabadaha hortaagan deegaan doorashada labaad ee Jubbaland

Isniin, Febraayo, 28, 2022 (HOL) - Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa magacaabay guddi soo qiimeynaya xaalada deegaan doorashada labaad ee maamulka Jubbaland oo ah magaalada Garbahaareey ee gobolka Gedo.

Guddiga uu magacaabay Raysal wasaare Rooble ayaa isugu jira xubno ka kala socda Xafiiska Raysal wasaraaha, guddiga doorashada heer Fedaraal iyo kan maamulka Jubbaland, kuwaas oo ka kooban todoba xubnood oo kasoo warbixin doona mudo 7 cisho gudahood xaalada deegaan doorashada Garbahaareey.

Magacaabista guddigan soo qiimeynaya xaaladda deegaan doorashada labaad ee Jubbaland ayaa imaaneysa xili dhawaan maamulka Jubbaland ay shaaciyeen ineysan suurtagal aheyn doorasho lagu qabto magaalada Garbahaareey ee xarunta gobolka Gedo.

Hoos ka akhirso magacyada guddiga la magacaabay.


Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online