5/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 28, 2022
Ciidamada Ruushka oo la wareegay mid kamid ah magalooyinka Ukraine
 

Isniin, Febraayo, 28, 2022 (HOL) - Ciidamada Ruushka ee duulaanka ku ah dalka Ukraine, ayaa la wareegay magaalo xeebeedka Berdyansk, oo dhacda koonfurta dalka Ukraine, sida BBC-du sheegtay.

Mayorka magaalada Berdyansk Alexander Svidlo, ayaa muuqaal uu ku baahiyay barta Facebook dadwaynaha u xaqiiyay in ciidanka Ruushku ay la wareegeen, sida BBC sheegtay.

"Russian ku waxay soo galeen magaalada abaaro 8:00, waxay noo sheegeen in ay haystaan, oo dhamaan maamulka magaaladu iyaga hoos imanayo, isla markaan ay la wareegayaan guriga guddida fulinta" ayuu yidhi mayor Svidlo.

Mayorka ayaa ka baxay xafiiskiisa isaga oo wata ilaalo hubaysan.

Magaaladan oo ku taala Bada Madow maaha magaalo sida usii wayn, waa magaalo ay daganyihiin dad lagu qiyaaso ilaa 100,000 oo qof, waxaana ku yaala saldhig ay leeyihiin Ciidamada Badda Ukraine.

Ciidamada Ruushka ayaa maalintii 5aad ku guda jira duulaan xoogleh oo ay ku hayaan dalka Ukraine, waxaana hada lasoo sheegayaa in saaka ay dib u bilaabeen in ay garaacaan magaalooyinka Kiev iyo Kharkiv, oo labadaba intay galeen ay ciidamada Ukraine ku jabiyeen maalmihii u danbeeyay.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]