5/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 28, 2022
Kenya oo ka walaac weyn ka muujisay heshiiskii shidaal baarista ee Soomaaliya
 

Isniin, Febraayo, 28, 2022 (HOL) - Dowladda Kenya ayaa markii ugu horreysay ka hadashay heshiiskii muranka badan dhaliyay ee shidaalka ee uu wasiir kamid ah xukuumada Soomaliya la galay shirkad shidaal oo laga leeyahay dalka Mareykanka.

Dowladda Kenya waxay sheegtay in heshiiskaas uu sii kordhinayso muranka soohdinta badda ee labada dal, iyadoo tilmaamtay in ay ka walaacsan tahay in Soomaaliya ay qandaraasyo shildaal ka bixiso aagga lagu muransan yahay.

Diblomaasi sare oo diiday in magaciisa la xigto ayaa sheegay in Kenya ay isha ku hayso waxyaabaha ka dhacaya Muqdisho.

“Nama damqayo ee way na khusaysaa, si kastaba ha ahaatee. Si taxadar leh ayaanu ula soconaa shirkadahaas,” ayuu yidhi diblumaasiga.

Kenya iyo Soomaaliya ayaa tan iyo sanadkii 2014-kii waxaa ka dhaxeeyay muran dhanka xuduud badeedka ah, markaasoo Muqdisho ay Nairobi uga dacweysay maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda (ICJ) ee fadhigeedu yahay magaalada Hague ee dalka Holland, iyadoo dowladda Soomaaliya ay dooneysay in dib u habeyn lagu sameeyo soohdinta badda.

Bishii Oktoobar 2021, ICJ ayaa go’aan kasoo saartay dacwadda badda, iyadoo Soomaaliya u xukuntay dhul baddeedkii lagu muransanaa. Balse Kenya waxay wacad ku maray inaysan bixin doonin hal taako oo kamid ah dhulkaas.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online