5/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 28, 2022
Guddiga Hirgelinta Doorashada Koonfur Galbeed oo shaaciyay jadwalka doorashada lix kursi oo ka mid ah Golaha Shacabka
 

Isniin, Febraayo, 28, 2022 (HOL) - Guddiga doorashada maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa shaaciyay jadwalka qabashada doorashada lix kursi oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ee deegaan doorashadoodu tahay magaalada Baydhabo.

Kuraasta doorashadooda la shaaciyay ayaa kala ah HOP 275, HOP 230, HOP 183, HOP 178, HOP 050 HOP 158, waxaana guddiga ay sheegeen in Maanta ay soo gudbinayaan Odoyaasha iyo Labada xubnood Bulshada Rayidka ee soo xulaya ergada kuraastaan dooraneysa.

Guddiga ayaa sidoo kale sheegay in 1-da bisha Maarso 2022 oo ku beegan maalinta berito ah tababar loo xareynayo ergada, islamarkaana 2-da bisha Maarso la diiwaan gelin doono Musharixiinta, iyadoona 3-da Maarso 2022 oo ku beegan maalinta Khamiista ah ee soo socotana la qabanayo Doorashada lixdaan kursi.

Hoos ka akhriso jadwalka lixda kursi oo dhameystiran.


Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online