5/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 28, 2022
Wadahadalo la filayo in ay saaka u furmaan Ukraine iyo Ruushka
 

Isniin, Febraayo, 28, 2022 (HOL) - Wadahadalo ayaa saaka la filayaa in ay xuduudka Belarus uga furmaan waftiyo ka kala socda dowladaha Ukraine iyo Ruushka, sida wakaalada wararka ee TASS baahisay.

Lama oga waxa ugu wayn ee lagaga wadahadli doono kulankan bilowga ah, waxaanu kusoo beegmayaa xili ciidamada Ruushku libin laabeen dagaalka ay kula jiraan ciidamada Ukraine. Wada hadalada laguma xidhin wax shuruud hordhac ah.

Sida Aljazeera sheegtay madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy, oo khadka telefoonka kala hadlay Raysal Wasaaraha Ingiriiska Boris Johnson, ayaa u sheegay in 24 saacadood ee soo socda ay muhiim u yihiin Ukraine.

Cidamada Ukraine ayaa sheegay in maalintii Axadu ay ahayd maalin adag, waxayna sheegeen in ciidanka Ruushku ay dhinackasta kasoo weerareen, sida Aljazeera markale qorayso.

Wasaarada caafimaadka, ayaa sheegay in ilaa hada ay dagaalka ku dhinteen ilaa 352 qof oo rayid ah, oo ay ku jiraan 14 caruur ah. Saaka oo Isniin ah ayaa markale lasoo sheegayaa in ciidanka Ruushku ay duqaynayaan magaalooyinka waa wayn.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online