5/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 28, 2022
Ciidamada Ruushka oo gubay diyaarada xamuulka ee ugu waynayd caalamka
 

Isniin, Febraayo, 28, 2022 (HOL) - Ciidanka Ruushka ayaa madaarka Gostomel oo u dhaw caasimada Ukraine ee Kiev ku burburiyay diyaarada Antonov-225 Mriya oo ahayd tan ugu wayn guud ahaan caalamka sida xukuumada Ukraine sheegtay.

Sida Business Insider qortay Wasiirka Arrimaha Dibbada Ukraine Dmytro Kuleba, oo ka hadlay burburka diyaarada, ayaa yidhi "Ruushku waxa laga yaabaa in uu burburiyay 'Mriya'-da yadii, lakiin waligii awoodi maayo in uu burburiyo riyada yada ah in aanu ahaano waddan awoodleh, xor ah, dimuquraadig ah oo reer Yurub ah".

Qoraal kasoo baxay madaxtooyada Ukraine, ayaa lagu sheegay in dowlada Ukraine ay dib u dhisi doonto Mriya, sida Daily Mail daabacday, lakin lacagta ku baxaysa dib u kicinteeda ayaa lagu qiyaasay boqolaal milyan.

Maxay tahay diyaarada Antonov-225 Mriya?.

Antonov-225 Mriya oo ahayd diyaarada xamuul ee ugu wayn caalamka, waxaa sameeyay Midowgii Soofeeti, xiligii uu Ukraine xukumayay badhtamihii 1980, sida Daily Mail qortay.

Xog anaan xaqiijin karin oo lagu daabacay Wikipedia ayaa sheegaysa in Mriya ay duulimaad keedii ugu horeeyay samaysay 21, December, 1988, isla markaana uu cuslayskeedu ahaa 285,000kg, baalasheeduna ay isku jireen 88m, dherer keeduna uu ahaa 84m, xawaaraha duulimaad keedana ay saacadii jari jirtay 850km.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]