5/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 27, 2022
Ciidanka Ruushka oo dagaal adag ku qaaday magaalada labaad ee ugu wayn Ukraine

Axad, Febraayo, 28, 2022 (HOL) - Ciidamada Ruushka ayaa laga saaray magaalada Kharkiv oo ah tan labaad ee ugu wayn dalka Ukraine, kadib dagaal culus oo halkaa ku dhex maray ciidamada Ukraine Axadii maanta.

Oleh Saynehubov oo ah badhasaabka gobolka ay magaaladani ku taalo, ayaa sheegay in gabi ahaanba ciidanka Ruushka laga saray Kharkiv, kadib markii ay weerar culus kusoo qaadeen subaxdii hore ee Axada maanta. Ciidamada Ruushka ayaa magaalada galay iyagoo ciidanka Ukraine kula dagaalamay wadooyinka magaalada dhexmara.

Habeen hore magaaladan lagama seexan, waxaana ku socday duqayn cirka ah oo ay u gaysanayeen ciidamada Ruushka oo ku sugnaa duleedka magaalada, mid kamida dadka halkan dagan oo BBC-da u warramay ayaa duqaynta ku sifeeyay dagaalkii xidigaha "Waxay ahayd sidii dagaalkii xidigaha oo dushaada ka socda" ayuu yidhi. "Dhawaqa qaraxyada ayay dhaguhu nagu dilaaceen" ayuu mid kale yidhi.

Madfac ay soo rideen Ciidamada Ruushka ayaa beegsaday sar 9 dabaq ah oo ku taala magaaladan, waxaana halkaa ku dhimatay gabadh da'a ah, qiyaastii 60 kale ayaa bad baaday kadib markii ay isku qariyeen dhinaca hoose ee sarta.

Sida dowlada Ukraine sheegtay ciidamada Ruushka, ayaa qarxiyay dhuun qaada gaaska dabiiciga ah oo marta magaaladan.

Ciidanka Ruushka ayaa Ukraine kula jira dagaal jihooyin badan, iyadoo ciidamada Ruushku ay awooda saarayaan magaalooyinka waa wayn sida Kiev Kharkiv, Odessa, Mariupol, Kramatorsk iyo Lviv, oo safaaradaha reer galbeed dib u dajin loogu sameeyay.

Waxaa xusid mudan in ciidamada Ruushku anay wali ku guulaysan in ay si buuxda u qabsadan mid kamid ah magaalooyinkan, ciidanka Ukraine iyo dad shacab ah oo hubaysan ayaa guntiga u xidhay in ay Ruushka iska difaacaan.

Xog ku saansan magaalada Kharkiv

Kharkiv oo sidookale loo yaqaano Kharkov, waa magaalada labaad ee ugu baladhan dalka Ukraine, waa magaalo taariikhi ah oo dhacda waqooyiga dalka, iyadoo 409km u jirta magaalada caasimada ah ee Kiev, dadka ku nool waxaa lagu qiyaasa 1.419 million.

Magaaladan ayaa Ukraine u ah xarunta dhaqanka, aqoonta, sayniska, warshadaha, waxaana ku yaala masraxyo iyo masxafyo caan ah.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]