5/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 27, 2022
Ruushka oo heegan galiyay ciidamadiisa quwada Nuclearka

Axad, Febraayo, 28, 2022 (HOL) - Sida uu ku warramayo Wariyaha BBC-da ee Arrimaha Amaanka Gordon Corera, madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin, ayaa ciidamada qalabka sida ku amray in ay heegan galiyaan quwada Nuclearka dalkiisa.

Corera ayaa sheegay in ay talaabadani timid kadib markii uu Ruushku sheegay in wadamada gashaan buurta NATO, ay xasaradaysteen dalkiisa, Putin ayaa todobaadkii hore yidhi "Cidii na hor istaagtaa waxay la kulmi doontaa cawaaqib aan la mahadin".

Washington ayaa talaabada ku tilmaantay waxaan la aqbali karin "Tan macnaheedu waxa weeyaan in madaxweyne Putin uu dagaalka gaadhsiinayo heer aan la aqbali karin, anaguna waxaanu sii wadaynaa in aanu ficiladiisa u horstaagno sida ugu adag ee noo suuragal ka ah" Safiirka Maraykanka ee Qaramada Midoobay Linda Thomas-Greenfield, ayaa sida tidhi sida ay qortay wakaalada wararka ee Reuters.

Wasiirka Arrimaha Dibbada ee Ukraine Dmytro Kuleba oo ka jawaabay hanjabaada Putin ayaa yidhi " Hadii Ruushku uu nuclear u isticmaalo Ukraine, adduunka ayay masiibo ku noqon doonto lakin anaga na liicin mayso".

Hanjabaada Putin ayaa imanaysa iyada oo saacadaha soo socda loo balansanyahay in waftiyo ka kala socda Moscow iyo Kiev, ay ku kulmaan dalka Belarus, si bilaa shuruud ah, hadaba wasiir Kuleba, oo shir jaraa'id ku qabtay Kiev sida BBC-du sheegtay waxa uu hanjabaada Putin ku tilmaamay mid uu doonayo in cadaadis ku saaro waftiga Ukraine ee wadahadalka ka qayb galaya.

Duulaanka uu Ruushku doonayo in uu xilka kaga tuuro xukuumada Kiev, ayaa soconaya maalintii afraad oo xidhiidhka, iyadoo ciidamada Ruushku ay isku dayayaan in ay galaan magaalooyinka waa wayn ee Ukraine, isla markaana Moscow ayaa xili danbe oo Sabtidii ah ku dhawaaqday duulaankii ugu xumaa in ay qaadayso.

Ukraine ayaa ciidamada Ruushka ku eedaynaysa in ay galeen tacadiyo ka dhan ah xuquuqda aadahana " Xalay xaalada Ukraine aad ayay u xumayd, waxaa la duqeeyay kaabayaasha dhaqaalaha iyo iskuulada caruurta" madaxweyne Volodymyr Zelenskyy, ayaa sidaa yidhi.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]