5/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 27, 2022
Raysal wasaaraha Soomaaliya iyo Safiirka Midowga Yurub oo ka wadahadlay arrimo muhiim ah

Axad, Febraayo, 27, 2022 (HOL) - Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Maxamed  Xuseen Rooble ayaa Maanta ku qaabilay magaalada Muqdisho Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Tiina Intelmann oo ay ka wada hadleen qodobbo dhowr ah ku saabsan arrimaha doorashooyinka, amniga iyo abaaraha ka jira dalka.

Raysal wasaare ayaa sheegay in howsha doorashada Xildhibaannada Golaha Shacabka ay mareyso heer gebogebo ah, islamarkaana uu filayo inay ku soo  dhamaato xilliga loo asteeyay ee 15-ka bisha soo socota ee Maarso, taasoo ay xigi doonto doorashada guddoonnada Labada Aqal ee Baarlamaanka iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Kulanka ayaa sidoo kale la iskula soo qaaday taageerada Midowga Yurub ka geysanayaan gurmadka dadka Soomaaliyeed ee abaartu saameysay, iyadoo safiirku sheegtay in Midowga Yurub ay 41 Milyan oo dollar u qoondeeyeen gurmadka abaaraha ka jira dalka Soomaaliya, islamarkaana ay taageerayaan dadaalada uu Raysal Wasaaruha hormuudka ka yahay ee socda.

Kulanka Rooble iyo Safiirka Midowga Yurub ayaa sidoo kale looga hadlay xaalada colaadeed ee ka dhalatay dagaalka Ruushka uu ku qaaday Ukraine iyo saameynta ay ku yeelan karto Yurub iyo guud ahaan dunida.

Raysal wasaaraha Soomaaliya ayaa muujiyay sida uu uga xun yahay xaaladda colaadeed ee ka dhex abuuran dalalka Ruushka iyo Ukraine, isagoona ku baaqay in wada hadal lagu dhameeyo colaadda taagan.
    
Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online