5/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 27, 2022
Jigjiga : Xubno horey uga mid ahaa dowladda, oo sheegay inay dowladdu ka hor is taagtay shir ay ku qaban lahaayeen magaalada Jigjiga
 

Axad, Febraayo, 27, 2022 (HOL) - Xubno horey uga mid ahaa xukuumadda dowlad degaanka Soomaalida, haatana lamagac baxay garabka sixitaanka xisbiga Barwaaqo laantiisa degaanka Soomaalida, ayaa sheegay in hor istaag lagu sameeyay shir ay maanta ku qabsan lahaayeen magaalada Jigjiga.

Mubaarak Sheekh Cumar oo kamid ahaa xubnahan lamagac baxay garabka sixitaanka oo Warbaahinta u waramayay ayaa sheegay in shir ay maanta u ballansanaayeen xubnahan iyo dad kale oo taageerayaal ah in lagu qabto Sahal Hotel oo Jigjiga ku yaal ay dowladdu is hortaag ku samaysay shirkaas.

Mubaarak ayaa sidoo kale sheegay in shirku uu ahaa mid ay xubnahani ugu talo galeen in wax loogu uruuriyo dadka ay abaartu saamaysay, dad badana lagu marti qaaday si ay howshan uga qayb qaataan, balse ay ka war heleen un hoteelkii ay ku shiri lahaayeen oo ciidan la keenay.

Sidoo kale waxa uu sheegay in xubnihii iyo dadkii shirkan ka qayb gali lahaa la kala eryay, qaarna la xirxiray isagoo xusay in xubnaha la xiray uu ku jiro Siraaje Adem iyo xubno kale oo dhammaantood laga xiray gudaha hotelka.

Mubaarak waxa uu sheegay inay xukuumadda dowlad degaanka Soomaalida ay ku dhaliilayaan inay ka gaabisay ka jawaabidda xaaladda abaarta, oo sidii la rabay aysan wax uga qaban, isla markaana ay dhayalsatay abaarta.

Waxaa xusid mudan in marar kale ay dowladdu is hortaag ku samaysay kulan ay xubnahani ku qabsan lahaayeen magaalada Jigjiga, xilligaas oo ahayd markii u horeysay ee ay xubnahani ku dhawaaqeen garabka sixitaanka xisbiga Barwaaqo.

Xubnahan isku magacaabay garabka sixitaanka xisbiga Barwaaqo, ayaa ah xubno horey xilal kala duwan uga qabtay dowlad degaanka Soomaalida, waxayna sheegaan inay u taagan yihiin inay saxaan khaladaadka ka dhaca xukuumadda dowlad degaanka Soomaalida.

Dowlad degaanka Soomaalida ayaa horey xubnahan ugu tilmaantay kuwo aan sharci ahayn, garabna aan isku tilmaami karin.

Abdilahi Jawhar, Hiiraan Online
[email protected]