5/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 27, 2022
Lix kursi oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka oo Maanta lagu doortay magaalada Baledweyne


Axad, Febraayo, 27, 2022 (HOL) - Waxaa goordhaw kusoo idlaaday magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan doorashada lix kursi oo ka mid ah kuraasta Golaha shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ee deegaan doorashadoodu tahay Baledweyne.

Doorashada kursiga koowaad oo Sumadiisu yahay HOP 032, waxaa markale dib ugu soo laabtay Khaliif Cabdi Cumar oo horay ugu fadhiyay kursiga oo helay 81 cod, kadib markuu ka guuleystay Musharaxii tartamay oo ahaa Axmed Cumar Gureey oo isna helay 7 cod

Kursiga labaad ee HOP 068 waxaa ku guuleystay afhayeenka Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Ibraahin Macalimuu, kadib markuu tanaasulay Musharaxii la tartami laha oo ahaa Maxamed Cabdicasiis, waxaana kursiga oo horay u ahaa qoondo dumar ku fadhisay Faadumo Faarax Ibraahin.

Kursiga sadaxaad ee tirsigiisu yahay HOP 022 waxaa markale dib ugu soo laabtay Cismaan Maxamed Cabdi Daalo, kadib markii uu tanaasulay Musharaxii la tartami laheyd Faadumo Maxamed Cabdulle.

Kursiga afaraad ee HOP 033 waxaa ku guuleystay Maxamuud Cabdiraxmaan Beene Beene oo horay ugu fadhiyay kursiga afartii sano ee la soo dhaafay kasoo helay 88 cod oo gacan taag ah, kadib markii uu tanaasulay Musharaxii la tartami lahaa Aadan Qaasim Maxamuud.

Kursiga shanaad ee HOP 006 waxaa ku guuleystay Maxamuud Cabdullaahi Axmed oo loo yaqaano Abuukaate oo horay ugu fadhiyay kursiga, waxuuna helay 91 cod, kadib markuu tanaasulay  Cabdinaasir Cumar Cabdulle oo ahaa Musharaxii la tartami lahaa, Kursiga lixaad ee Hop 252 waxaa ku guuleystay Cabdikariim Cabdow Xeydar  kadib markii ay tanaasushay Maariya Najiib Maxamed oo la tartami laheyd.

Maamulka Hirshabeelle ayaa dhawaan qaban doona doorashada wajiga labaad ee Kuraasta taala Magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, waana kuraasta ugu tartanka adag kuraasta lagu dooranaayo magaalada Baledweyne.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online