5/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 27, 2022
Madaxweynaha Jubbaland iyo saraakiil sare oo Itoobiyaan ah oo kawada hadlay arrimaha amniga
 

Axad, Febraayo, 27, 2022 (HOL) - Taliska ciidamada qaranka Itoobiya ayaa sheegay in ay maamulka Jubbaland kawada hadleen xaaladda amni ee xadka u dhaxeeya Itoobiya iyo Soomaaliya.

kulanka waxaa goob joog ka ahaa Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, Taliyeyaasha Qeybta 3-aad iyo 6-aad ee ciiddanka difaaca Itoobiya, Taliyaha Guutada 5-aad ee ciiddanka lugta iyo Taliyaha Nabadsugida iyo Sirdoonka Jubbaland.

Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe oo shir guddoominayay kulanka ayaa sheegay in Itoobiya iyo Soomaaliya ay wadaagaan taariikh, dhaqan iyo af.

“Al-Shabaab waxay habeen iyo maalin u taagan yihiin sidii ay u wiiqi lahayd midnimada iyo walaalnimada labada waddan. Sidaa darteed waa in aan iska kaashanaa in aan gacanta ku dhigno ilaa Doolo” ayuu yiri madaxweyne Axmed Madoobe.

Taliyaha qeybta 6-aad ee ciiddanka difaaca Itoobiya, Sarreeye Guuto Ababaw Seid ayaa dhankiisa sheegay in si looga hortago khatarta Al-Shabaab ay lagama maarmaan tahay in si dhow loola shaqeeyo dowladda, ciidamada ammaanka iyo shacabka Soomaaliyeed.

Korneyl Assefa Mekonnen oo ah taliyaha guud ee guutada 5-aad ee ciiddanka lugta dalka Itoobiya, ayaa sheegay Al-shabaab inay u maleegayaan in ay la wareegaan gacan ku heynta Jubbaland iyo Soomaali Galbeed.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online