5/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 27, 2022
Muqdisho: Gaari xawaaraha goostay oo geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac


Axad, Febraayo, 27, 2022 (HOL) - Inta la xaqiijiyey hal qof ayaa ku dhintay halka 5-qof ay dhaawacmeen, kadib markii gaari nuuca aysan xabbadu karin (bulletproof) uu ku bareeg-goostay goob ay dad shacab ah ku caweynayeen.

Falkaaan ayaa ka dhacay afafka hore maqaayad lagu magacaabo Mr. Fruto oo ku taalla isgoyska Shaqaalaha ee magaalada Muqdisho.

Qofka shilka ku geeriyooday ayaa lagu magacaabaa Maxamuud Cabdulqaadir Geelle, wuxuuna kamid ahaa koox dhallinyaro u badan oo ku caweynayay goobta uu shilku ka dhacay.

Ma jirto war ah oo weli kasoo baxay laamaha amniga oo ku saabsan dhacdadan. Wararka qaar ayaa sheegaya in qofka falka geystay uu sarqaansanaa, laakiin weli si dhab ah looma xaqiijin karo.

Dadka ka badbaaday shilkaan ayaa sheegay in gaariga oo ku socday xawaare saa'id ah uu halmar dusha ka maray dadka goobta ku caweynayay.

Marka laga tago khasaaraha dhimashada, burbur xooggan ayaa soo gaaray goobta shilku ka dhacay.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online