5/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 27, 2022
Dowladda Soomaaliya oo soo saartay warbixin ku saabsan xaaladda muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Ukraine
 

Axad, Febraayo, 27, 2022 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay dalalka deriska la ah dalka Ukrain ay ka codsatay taageero ku aaddan in muwaadiniinta Soomaaliyeed ay helaan marin ammaan ah iyo in aan lagu xirin dal-kugal iyo waraaqaha COVID-19-ka.

Dowladdu waxay sheegtay in badi dalalka dariska la ah Ukraine ee dawladdu ay la xiriirtay ay si wanaagsan uga jawaabeen codsiga dowladda ee ah in ay muwaadiniinta Soomaaliyeed ay helaan ammaan.

Waxay dowladdu soo saartay foom loo baahan yahay in ay muwaadiniinta u baahan caawinaada iska diiwaan galiyaan, si xaaladdooda loola socdo.

Soomaali badan oo intooda badan waxbarasho u joogay dalka Ukrain ayaa ku go’doonsan dalkaas, kadib markii maalmo ka hor dalkaas uu Ruushku duulaan milatari ku qaaday.

Dalalka muwaadiniintooda ka joogaan dalka Ukrain ayaa ka daad guraystay dadkooda, laakiin waddamo ay Soomaaliya kamid tahay ma helin dowladdo marti galiya muwaadiniintooda ku dhibaataysan dalkaas.


Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online