5/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 27, 2022
Ruushka oo ku dhawaaqay duulaankii ugu waynaa oo uu Ukraine ku qaadayo
 

Axad, Febraayo, 27, 2022 (HOL) - Dowlada Ruushka ayaa ku dhawaaqday in ay dagaal balaadhan ku qaadayso dowlada Ukraine, kadib markii ay madaxda Ukraine ka noqdeen wada hadal la filayay in ay la yeeshaan Ruushka.

"Kadib markii ay Ukraine diiday wada xaajoodka, maanta dhamaan guutooyinka ciidanka Ruushka waxaa amar lagu siiyay in ay jiho kasta weerarka kaga soo qaadaan, iyaga oo raacaya qorshaha dagaalka" Afhayeenka Ciidanka Ruushka Igor Konashenkov, ayaa sida yidhi sida TRTWorld ku warramayso.

Xukuumada Ruushka ayaa sheegtay in ay weerarada dhimeen maalintii Jimcaha iyaga oo naawilayay in ay wada hadal la furaan, xukuumada Kiev, laakin hada dib loo bilaabay weeraradii kadib markii ay madaxda Ukraine ka noqdeen qorshihii wada hadalka.

Ciidamada Ruushka ayaa duqaymo aan kala joogsi lahayn ka wada magaalooyinka waa wayn ee Ukraine, iyadoo ciidamada Ukraine ay difaacayaan magaalooyinka waa wayn. Madaxweynaha Ukraine ayaa isagu go'aan saday in uu dagaalka hogaamiyo.

Dagaalka ayaa dalka dibadiisa u barakiciyay dad lagu qiyaasay 150,000 oo qof kuwaasi oo badan koodu u talaabay waddanka dariska ee Poland, dumarka iyo caruurta ayay ragu u talaabinayaan waddamada jaarka iyagoo iyagu dalka dib ugu soo noqonaya si ay dagaalka uga qayb qaataan.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online