5/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 27, 2022
Guddiga Hirgelinta Doorashada Koonfur Galbeed oo shaaciyay doorashada kuraas ka mid ah Golaha Shacabka
 

Axad, Febraayo, 27, 2022 (HOL) - Guddiga doorashada maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa shaaciyay doorashada afar kursi oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya ee deegaan doorashadoodu tahay magaalada Baydhabo.

War qoraal oo kasoo baxay guddiga doorashada Koonfur Galbeed ayay ku shaaciyeen in maalmaha soo socda ay qabanayaan doorashada afartan kursi ee ka mid ah kuraasta taala magaalada Baydhabo.

Afarta kursi ee la shaaciyay ayaa kala ah HOP 275 oo uu ku fadhiyo Sheekh Shaacir Sheekh Maxamed Xasan, HOP 230 oo dhowrkii sano ee la soo dhaafay uu ku fadhiyo Pro, Cabdiraxmaan Aadan Ibraahim (IBBI), HOP 183 oo uu ku fadhiyo Sandheere Maxamed Iftin, HOP 178 oo uu ku fadhiyo Xasan Cali Maxamed Amar-dambe, waxaana doorashada kuraastan la filaa iney qabsoonto maalmaha soo socda.

Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa ka mid ah maamulada sida weyn u wada howlaha dardar gelinta leh ee doorashada kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya, waxaana xusid mudan in maamulka Koonfur Galbeed uu dhawaan soo gabagabeeyay deegaan doorashadii labaad ee kuraastii taalay magaalada Baraawe ee gobolka Sh/hoose.

Hoos ka akhriso kuraasta la shaaciyay.


Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online