5/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 27, 2022
Doorashada kuraas ka mid ah Golaha Shacabka oo Maanta ka dhaceysa magaalada Baledweyne

Axad, Febraayo, 27, 2022 (HOL) - Waxaa Maanta lagu wadaa in magaalada Baledweyne ay ka dhacdo doorashada lix kursi oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya ee deegaan doorashadoodu tahay Baledweyne.

Doorashada Maanta dhaceysa ayaa qorshuhu waxuu ahaa in Shalay ay qabsoonto, hayeeshee guddiga doorashada Hirshabeelle ayaa shaaciyay iney dib u dhigeen doorashada.

Kuraasta Maanta doorashadooda ka dhaceyso Baledweyne ayaa kala ah HOP 003 oo uu ku fadhiyo Maxamuud Cabdiraxmaan Beene Beene, HOP 006 oo uu hadda ku fadhiyo Maxamuud Cabdullaahi Axmed, HOP 022 oo dhowrkii sano ee la soo dhaafay uu ku fadhiyo Cusmaan Maxamed Cabdi (Daalo), HOP 252 oo uu ku fadhiyo Cabdi Casiis Saalax Carmaan, HOP 032 oo uu ku fadhiyo Khaliif Cabdi Cumar, HOP 068 oo ay ku fadhiso Faadumo Faarax Ibraahim.

Maamulka HirShabeelle ayaa noqday maamulkii labaad ee sida dardar gelinta leh kuwada deegaan doorashada labaad, waxaana 25 kursi ee taala Magaalada Baledweyne todobaadkii hore laga doortay lix kursi, iyadoo Maantana la dooran doono lix kale waxaana hari doonta 13 kursi oo wadarta guud ka dhigeysa 25-ka kursi Baledweyne.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online