7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 25, 2022
Muqdisho: Doorashada kuraasta aqalka hoose ee reer Banaadiriga oo lasoo gabagabeeyay
 

Jimco, Febraayo, 25, 2022 (HOL) - Guddiga hirgalinta doorashada kuraasta reer Banaadiriga ayaa Muqdisho kusoo gabagabeeyay doorashada shan kursi oo ay barlamaanka Soomaaliya ku leeyihiin bulshada Banaadiriga.

Xildhibaannada aqalka hoose ee kusoo baxay doorashada maanta ka dhacday magaalada Muqdisho, waxay kala yihiin, sidatan;

Cumar Shariif Maxamed (Jeeg), kursiga 226. Cabdiraxmaan Cabdulqaadir Cadde, kursiga 105. Maxamed Nuur Abuukar, kursiga 265. Khadiijo Maxamed Al Maqsuumi, kursiga 034 iyo Maxamuud Cabdulqaadir Xaaji oo kusoo baxay Kursiga 084.

Kuraasta reer Banaadiriga ayaa soo gabagabowday iyadoo ay kuraasta qaarkood ka taagan yihiin cabashooyin, xilli uu guddi raysal wasaaruhu u xilsaaray ay sheegeen in ay xal ka gaareen cabashada odayaasha.

Kursiga uu muranka badan ka taagnaa, waa kursiga ay kusoo baxday Khadiijo Maxamed Al Maqsuumi, oo ah xaaska, madaxweynihii hore ee Galmudug, Cabdikariin Xuseen Guuleed.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa maanta lasoo gabagabeeyay kuraasta labo deegaan doorasho oo kala ah. Muqdisho iyo Dhuusomareeb.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online