7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 20, 2022
Hanti dhowrka guud ee Soomaaliya oo dacwad ku furay cid kaste oo ku leh heshiiska shidaal baarista
 

Axad, Febraayo, 20, 2022 (HOL) - Xafiiska Hantidhawrka guud ee dowladda Soomaaliya, ayaa war kasoo saaray heshiiskii wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ay la gashay shirkadda Coastline Exploration Ltd.

Hantidhowarka ayaa heshiiskaas ku tilmaamay mid waxba kama jiraan ah, isaga oo gal-dacwadeed u gudbiyay Xafiiska Xeer-Ilaalinta Guud si tallaabo sharciga waafaqsan looga qaado ciddii ku lugta lahayd heshiiskaas shidaal baarista ah.

Guddoomiyaha hanti dhowrka ayaa Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya ugu baaqay in shaqo ka joojin deg-deg ah lagu sameeyo dhammaan shaqsiyaadkii qaybta ka ahaa saxiixa heshiiska.


Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online