7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 20, 2022
Wasiir Jamaal: Waa in baaritaan degdeg ah oo madax bannaan lagu sameeyaa qaraxa Boosaaso ka dhacay

Axad, Febraayo, 20, 2022 (HOL) - Wasiirka qorshaynta iyo iskaashiga caalamiga ah ee Soomaaliya, Jamaal Maxamed Xasan, ayaa ku baaqay in baaritaan dgedeg ah oo madax bannaan lagu sameeyay qarax ka dhacay Boosaaso oo labo nabadoon ku geeriyoodeen.

Wasiirka qorshaynta ayaa hadalkaan ka sheegay kadib markii uu booqasho ugu tagay dadkii ku dhaawacmay qaraxa, kuwaas oo u badnaa wafdi isaga la socday oo Bosaso u tagay shirar dhawaan lagu taageerayay musharraxnimadiisa xildhibaan.

“Arrimahan dhacay waxay ahaayeen arrimo aan horey uga dignay oo qalqal ku keenaya amniga shacabka halkan deggen. Haddana waxaan codsanaynaa in sida ugu dhaqsiyaha badan baaritaan madax bannaan loo sameeyo, oo sidii horey u dhici jirtay aan cid madaxa loo galin,” ayuu yiri wasiir Jamaal.

Xildhibaan Jamaal ayaa sheegay in dadka qaraxa ku dhintay iyo kuwa dhaawacmayba ay yihiin dadka arrimaha doorashadiisa ku lug lahaa, isagoo tilmaamay in qaraxa lala beegsaday saacado kadib markii ay jeediyeen baaq ay kagasoo horjeedaan in doorashada la boobo.

Illaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay masuuliyadda qaraxa Boosaaso. Inkastoo qaraxyo nuucaan oo kale ay Alshabaab magaalada Boosaaso ka geysteen bishaan iyo bishii horeba.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online