7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 20, 2022
Fahad Yaasiin oo kamid noqday barlamaanka Soomaaliya
 

Axad, Febraayo, 20, 2022 (HOL) - Fahad daahir Axmed (Fahad Yasin) ayaa ku guuleystay kursiga Tirsigiisa uu yahay Hop086 ee xubinnimada Golaha Shacabka barlamanka Soomaaliya, isagoo helay codad gaaraya 70 –cod.

Musharraxa la tartamayay Fahad Yaasiin oo lagu magacaabo Axmed Maxamed Axmed, ayaa  heley 24-cod.

La taliyaha amniga ee madaxweyne Farmaajo ahna taliyihii hore ee hay’adda nabad sugida ee NISA, Fahad Yaasiin, ayaa doorashadiisa waxay guul u tahay Villa Soomaliya.

Doorashada Fahad Yaasiin,  ayaa waxay qeyb ka tahay qorshe ku aadan in Fahad Yaasiin uu tartan u galo guddoomiye ku xigeenka koowaad ee barlamaanka Soomaaliya.

Cabdiweli Sheikh Ibraahim Muudey oo xilka guddoomiye ku xigeenka labo jeer soo noqday, ayaa laga reebay inuu difaacdo kursigiisa barlamaanka, waxaana taas ay fursad weyn u siinayaa in Fahad Yaasiin uu noqdo musharrax kaliya ee ku guulaysan kara kursigan.

Fursada labaad ee uu Fahad Yaasiin, haysto waxay tahay, Kursiga uu ku guulaystay waxaa ku fadhiyay xildhibaan Faarax Sheikh Cabdulqaadir, oo isna barlamaanka bannaanka ka joogidoona.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online