7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 20, 2022
Jarmalka oo €20m ugu deeqay waxka qabashada abaaraha , Ethiopia, Kenya iyo Soomaaliya

Axad, Febraayo, 20, 2022 (HOL) - Dowladda Jarmalka ayaa ku caawinaysa lacag dhan 20 milyan oo Yuuro, si loo yareeyo dhibaatada ka dhalatay abaaraha ba’an ee ka jirta qaybo ka mid ah Itoobiya, Kenya iyo Soomaaliya.

Jarmalku waxa uu Hay’adda Cunnada iyo Beeraha ee Qaramada Midoobay (FAO) ku siinaya 20 milyan oo Yuuro si loo hubiyo in dadka ku nool meelaha ay ka jiraan gaajada in ay heli karaan gargaar degdeg ah, sida biyo iyo cunto.

Soomaaliya in ka badan 50,000 oo qof oo dalka gudihiisa ku nool ayaa laga caawin doonaa in ay xoolahooda quudiyaan.

Xoolo dhaqatada reer guuraaga ah ee saddexda dal ayaa wajahaya dhibaatooyin isa soo taraya. Qoysas aan tiro lahayn ayaa lumiyay ilahoodii dhaqaale. Iyadoo roob la'aantu ay sidoo kale sababtay in dhul daaqsimeedka uu qalalo.

Dowladda Jarmalka ayaa dhowrkii sano ee la soo dhaafay ballaarisay gargaarka bini’aadantinimo ee Afrika. Sannadkii 2021-kii, waxa ay diyaarisay lacag dhan 564 milyan oo Yuuro si loogu caawiyo qaaradda Afrika, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay safaaradda Jarmalka ee Addis Abeba.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online