7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 20, 2022
Wasiirka batroolka: "Heshiiska shidaalka waxaa ila ogaa madaxweyne Farmaajo, waxaana lagu qaatay 7 milyan oo dollar"
 

Axad, Febraayo, 20, 2022 (HOL) - Wasiirka batroolka Soomaaliya Cabdirashiid Maxamed Aadan, ayaa ku adkaystay in madaxweyne Farmaajo uu la ogaa heshiiska shidaal baariseed ee uu u saxiixay shirkadda Coastline exploratation.

Wasiirka batroolka ayaa sheegay in heshiiska 15-ka bishaan qalinka lagu duugay islamarlaana ay dowladda Soomaaliya saxiixiisa ku helayso 7million oo dollar oo bil kadib lagu shubidoono bangiga dhexe.

"Faylkaan waa si qaas ah u hayay aniga iyo madaxweynaha, muddo dheerna ka wada shaqeynayay, hadday noqoto sharcigii shidaalka, hadday noqoto in heshiiskaan lala galo shirkaddaha shidaalka,"  ayuu yiri wasiirka batroolka.

Wasiirka Batroolka waxa uu sheegay in heshiiska Shidaalka uu tilmaamayo in shidaalka laga qodidoono deeggaanada Koonfur Galbeed, Galmudug iyo Jubbaland, balse ma sheegin goorta uu billlaaban doono fulinta heshiiskan.

Madaxweyne Farmaajo ayaa xalay si adag sharci darro ugu tilmaamay heshiiskaan, wuxuuna iska fogeeyay inuu wax ka ogyahay, isagoo sheegay in dowladda Soomaaliya ay horey u joojisay in wax heshiis ah la galo inta lagu jiro arrimaha doorashada.

Raysal wasaare Rooble ayaa isagana sharci darro ku tilmaamay heshiiskaan, wuxuuna ku tilmaamay qiyaano qaran oo lagu boobayo hantida ummadda.



Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online