7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 2 , 2022
Guddiga doorashada heer Puntland oo soo gabagabeeyay doorashada lix kursi oo aqalka hoose ah


Arbaco, Febraayo, 2, 2022 (HOL) - Guddiga doorashada heer dowlad goboleed ee Puntland ayaa soo gabagabeeyay doorashada lix kursi oo katirsan kuraasta aqalka hoose, kuwaas oo maanta doorashadooda ay ka dhacday xerada ciiddan ee 54aad ee magaalada Garowe.

Doorashadii ugu horeeysay ayaa lagu bilaabay kursiga HOP092, waxaana ku guulaystay siyaasi Maxamed Faarax Nuux (Maxamed Dheere), oo kusoo baxay 91 Cod, halka Ruwayda Maxamud Maxamed oo la tartamaysay ay heshay 1 Cod.

Kursiga sumadiisu tahay 094 , waxaa ku guulaysatay Sahra Cabdilaahi Cigaal oo heshay 87 Cod halka Fardowso Maxamed Aadan oo la tartamaysay ay heshay 3 Cod, 7 Codna ay khasaareen.

Nimco Cumar Cabdi oo ku tartamaysay kursiga HOP121, ayaa ku guulaysatay doorashada, waxayna kusoo baxday cod gacan taag ah kadib markii ay u tanaasushay Farxiyo Yusuf Cumar.

Kursiga HOP014, oo ay ku tartameen Daa,uud Cabdikariin Sheikh Cumar iyo Cabdirisaaq Axmed Xuseen, waxaa ku guulaystay Daa,uud Cabdikariin Sheikh Cumar oo helay 90 Cod halka Cabdirisaaq Axmed Xuseen uu helay 3 Cod.

Kursiga HOP 075, waxaa cod gacan taag ah ugu guulaystay Cabdiqani Maxamuud Maxamed ka dib markii uu taranka doorashada ka tanaasulay musharrax Axmed Cabdiraxmaan Cilmi.

Ugu dambayn, kursiga HOP 174, waxaa cod gacan taag ah ugu guulaysatay Khadra Axmed Maxamed ka dib markii Layla Cabdi Faarax oo la tartami ahayd ay u tanaasushay. 

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online