7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 2 , 2022
Madaxweyne Biixi "Waxa la yaab ah in madaxda Soomaaliya dabka nala soo gala yidhaahdaan"
 

Arbaco, Febraayo, 2, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo hadal ka jeediyay munaasibada 28 guurada ciidamada qalabka sida, ayaa sheegay in loo baahanyahay in Somaliland iyo Soomaaliya mid waliba dhankeeda isku dhisto, madaama oo sida uu sheegay midowgii lagu hungoobay.

Madaxweynaha ayaa sheegay in shacabka Somaliland ahaan, ay ku faraxsanyihiin in dowlada Soomaaliya dhisanto, oo hurumar-na gaadho.

"Dhibaato ayaa inaga gaadhay oo waynu dunay, labadii dowladood mid waliba gaar keeda haysku dhisto oo ha socoto, anagu in ay dhismaan, iyagoo qoladii Talyaanigu haysan jiray ah oo ay horumaraan, kuwii jira ahaada oo soo kora ayaanu leenahay" ayuu yidhi Madaxweyne Biixi.

Madaxweynaha ayaa dhinaca kale, madaxda Soomaaliya ku eedeeyay in ay doonayaan in ay shacabka Somaliland galiyaan dhibaatada ka socota Soomaaliya.

"Taliska halkaa ka taliya wali waxaa ka dhaadhici la, waar 30 sanno ayaynu midaysnayn oo waynu is eednay oo waynu isla dunay, 30 sanno ayaynu kala maqnaynoo waxbadanba yaanaan gaadhine, nabad, horumar iyo dowlad dhis baanu ku jirnaa, idinkana dhibaato ayaa idin haysata, waxa la yaab ah in aad dabka nala soo gala tidhaahdan" ayuu yidhi Biixi.

Madaxweynaha ayaa sheegay in shacabka Somaliland ay mudanyihiin in lagu tixgaliyo doonistooda, waxa uu sheegay in Somaliland anay cidna dagaal kula jirin, isla markaana anay jirin sharci ay jabisay oo ay ku dhisantahay axdi qarameedkii Afrika ee isticmaarku dajiyay.



Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]