7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 2 , 2022
Afar kursi oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka oo Maanta lagu doortay Magaalada Muqdisho


Arbaco, Febraayo, 2, 2022 (HOL) - Waxaa goordhaw oo Maanta ah Magaalada Muqdisho kusoo gabagaboobay doorashada afar kursi oo ka mid ah kuraasta Golaha shacabka Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya ee deegaan doorashadoodu tahay gobolada Waqooyi ee Soomaaliland.

Kursiga koowaad ee doorashada Maanta ka dhacday Dusgiga Tababarada Jenaraal kaahiye ee magaalada Muqdisho oo tirsigiisu yahay HOP 268, waxaa ku guuleystay Maxamed Cali Xagaa, kadib markii uu tanaasulay musharixii la tartami lahaa Axmed Muumin, waxaana hab gacan taag ah loogu codeeyay Musharax Maxamed Cali Xagaa oo helay 98 Cod waxaa ka aamusay Hal ruux oo kaliya.

Kursiga labaad oo tirsigiisu yahay HOP 267, waxaa sidoo kale ku guuleysatay Seynab Maxamed Caamir, kadib markii ay tanaasushay Sucaado Muumin Meygaag oo aheyd Musharaxii la tartami laheyd, waxaana Seynab Maxamed ay heshay codad gaaray 97 cod.

Kursiga sadaxaad ee doorashada Maanta ka dhacday Muqdisho oo tirsigiisu yahay HOP 236, waxaa kusoo baxay Cadnaan Cismaan Cilmi Boqore oo aabahiis uu ka geeriyooday kursigan, kadib markii uu tanaasulay Farxaan Cabdullaahi Cali oo la tartami lahaa Cadnaan Cismaan Cilmi, waxaana loogu codeeyay hab gacan taag ah, isagoo helay 99 cod.

Kursiga afaraad ee sumadiisu tahay HOP 269  oo uu horay ugu fadhiyay Maxamed Cabdullaahi Kaamil ayaa waxaa ku guuleystay Cabdiraxmaan Maxamed Cumar kadib markii ay tanaasushay Buuxo Maxamed Cismaan oo la tartami laheyd, waxaana cod gacan taag ah oo loogu codeeyay Cabdiraxmaan Maxamed Cumar uu helay 98 cod.

Guddiga hirgelinta doorashooyinka gobolada Waqooyi ee Soomaaliland ayaa si dardar leh kuwada qabashada kuraasta Golaha Shacabka ee deegaan doorashadoodu tahay Soomaaliland, islamarkaana doorashooyinkooda lagu qabanayo magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online