7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 2 , 2022
Abaarta ka jirta dowlad degaanka Soomaalida oo sababtay geerida caruur yaryar
 

Arbaco, Febraayo, 2, 2022 (HOL) - Abaaro ba'an ayaa waxaa laga soo sheegayaa meelo badan oo kamid ah dowlad degaanka Soomaalida, abaartan ayaa waxay saamaysay dad iyo duunyaba.

Haddaba sida wararku nagu soo gaarayaan, qaybo kamid ah Gobolka Erar ee dowlad degaanka Soomaalida ayaa abaarta halkaa ka jirta waxay sababtay dhimashada caruur yaryar, kuwaas oo gaajo darteed u geeriyooday, kaddib markii loo waayay caruurtaas wax dabka loo saaro, sida uu warbaahinta u sheegay Aabaha dhalay qaar kamid ah caruurta gaajada u geeriyootay.

Sidoo kale waxa uu sheegay Aabuhu in markii hore ay kasoo guureen dhinaca degaanka Oromiya, oo ay usoo guureen dhinaca dowlad degaanka Soomaalida, intaa kaddibna wixii ay dowladda ka codsadeen aan wali wax looga qaban, abaartiina ay ugu darsantay oo aan wali wax gargaar ah aan lala soo gaarin.

Dhinaca kale degmada Qubbi oo kamid ah Gobolka Erar ayaa waxaa gaajo darteed u geeriyooday 5  caruur ah, sida uu warbaahinta u sheegay mid kamid ah Odayaasha degaankaas.

Abaarta dowlad degaanka Soomaalida ka jirta oo inta badan degaanka saamaysay, ayaa waxaa taa u raacda biyo la'aan dadku ay Oon dartii u dhimanayaan, waxayna abaartani noqotay mid saamaysa dadkii iyo duunyadiiba.

Dowladda oo dhinaceeda ka wada ka jawaabidda xaaladaha abaaraha ee degaanka ka jirta, iyo waliba deeqaha kala duwan ee ka kala imaanaya ganacsatada degaanka iyo waliba degaannada uu ka kooban yahay dalka Itoobiya, haddana abaartan ayaa u muuqata mid xadhkihii goosatay.

Abdilahi Jawhar, Hiiraan Online
[email protected]