7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 2 , 2022
Guddiga Hirgelinta Doorashada Hirshabeelle oo shaaciyay jadwalka qabashada doorashada laba kursi
 

Arbaco, Febraayo, 2, 2022 (HOL) - Guddiga doorashada maamulka Hirshabeelle ayaa shaaciyay jadwalka qabashada doorashada laba kursi oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dalka, kuwaas oo deegaan doorashadoodu  tahay magaalada Jowhar.

War qoraal ah oo kasoo baxay guddiga doorashada Hirshabeelle ayaa lagu sheegay in Maanta oo taariiqdu tahay 02.02.2022, ilaa 05-ta bishaan la qaban doono shaacinta ergada doorashada, tababarkooda iyo diiwan gelinta Musharaxiinta, islamarkaana doorashada ay dhici doonto 06.02.2022 oo ku beegan Axada soo socota.

Labada kursi ee jadwalkooda doorashada la shaaciyay ayaa kala ah HOP 070, oo uu ku fadhiyay afartii sano ee lasoo dhaafay Aadan Cali Xasan iyo HOP 115, oo uu ku fadhiyo Cali Maxamed Cumar.

Isniintii lasoo dhaafay ayay aheyd markii maamulka Hirshabeelle uu magaalada jowhar ku qabtay doorashada lix kursi oo aheyd kuraastii ugu horeysay ee Golaha Shacabka ay qabtaan Hirshabeelle.

Hoos ka akhriso jadwalka guddiga doorasgada Hirshabeelle uu shaaciyay.


Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online