7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 2 , 2022
Musharrax xildhibaan oo shalay lagu dhaawacay Garowe oo maanta doorashada u tartamaya

Arbaco, Febraayo, 2, 2022 (HOL) - Guddiga doorashada heeer dowlad goboleed ee Puntland ayaa maanta oo arbaco ah qabanaya doorashada 6 kursi oo doorashadoodu ka dhacayso xerada ciiddan 54aad ee magaalada Garowe.

Doorashada ugu horeeya ayaa lagu bilaabidoonaa kursiga sumadiisu tahay  HOP092  waxaana ku tartamaya siyaasi Maxamed Faarax Nuux (Maxamed Dheere) iyo Ruweyda Maxamuud Maxamed.

Siyaasi Maxamed Dheere, shalay ayuu dhaawac fudud oo dhinaca gacanta ah kasoo gaaray rasaas ay huwiyeen rag hubaysan oo beeshiisa katirsan oo ka caraysnaa in kursiga isaga kaligiis loo xiro.

Labo askari oo kamid ah ilaaladiisa ayaa ku dhaawacmay falkaas.

Ammaanka goobta doorashada iyo waddooyinka soo gala ayaa aad loo adkeeyay, kadib shaqaaqadii shalay ka dhacday Garowe.

Puntland waxay noqotay meelaha ugu badan ee cabashada doorashooyinka, waxaana madaxweyne Deni lagu eedeeyay inuu doorashada u boobayo masuuliyiinta maamulkiisa katirsan iyo shakhsiyaad  kale oo aaminsan aragtidiisa siyaasadeed.

Abdisalan Nur Dirie, Hiiraan Online