7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 2 , 2022
Imaaraadka oo soo dhoweeyay raali galinta uu Raysal wssaare Rooble ka bixiyay arrimihii lacagta lagu qabtay garoonka Aadan Cadde

Arbaco, Febraayo, 2, 2022 (HOL) - Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa soo dhoweeysay raaligelintii uu Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ka bixiyay lacago Imaaraadku leeyahay oo lagu lagu qabtay garoonka diyaaradaha Muqdisho bishii April 2018.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee dowladda Imaaraadka ayaa sidaasi ku sheegtay bayaan kooban oo ay soo saartay, xilli uu dalkaas ku sugan yahay raysal wasaare Rooble.

Dhaxal sugaha magaalada Abu Dhabi ahna ku xigeenka taliyaha guud ee ciidamada qalabka sida ee dalka Imaaraadka Sheikh Mohamed bin Zayed Al Nahyan ayaa qaabilay raysal wasaare Rooble oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Imaaraadka Carabta.

Kulanka oo ka dhacay Qasr Al Watan, ayaa Sheekh Maxamed Bin Zayid iyo Rooble waxa ay kaga wada hadleen sidii kor loogu qaadi lahaa xiriirka labada dal si ay danahooda u horumariyaan.

Sidoo kale waxaa la isku weydaarsaday aragtiyo dhowr ah oo labada dhinac khuseeya, sida in UAE ay Soomaaliya ka taageeero arrimaha gargaarka.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online