7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 19, 2022
Itoobiya oo barrito billaabeysa in ay Koronto ka dhaliso biyo xireenka Abbay (Nile)


Sabti, Febraayo, 19, 2022 (HOL) - Itoobiya ayaa shaaciyay in maalinta barri ah uu biyo xidheenka Abbay si rasmiya u bilaabi doono in koronto laga dhaliyo, kaddib markii uu muddo dheer uu socday mashruucan biyaha looga dhalinayo korontada.

Mashruucan korontada looga dhalinayo wabiga Abbay ayaa socday muddo11 sano ah, wuxuuna billaabmay wakhtigii uu dalka Itoobiya xukumi jiray Ra'iisal wasaarihii hore ee Males zenawi.

Biyo xireenkan loogu magac daray Abbay ayaa buuxinta biyahiisa waxaa la dhammaystiray wajiga 1 aad iyo 2aad, iyadoo dalalka Masar iyo Sudan ay u arkaan hawshan mid ku keenaysa dalalkaas.

Itoobiya ayaa geesteeda u aragta biyo xireenkan korontada laga dhalinayo mid faa'iido u leh Itoobiya, maadaama mashruucan uu dalka Itoobiya wax badan kusoo kordhin doono.

Biyo xireenkan Wabiga Abbay ayaa waxa uu ku yaallaa gobolka Benishangul Gumuzka ee dalka Itoobiya, meel u dhaw xuduuda dalka Sudan.

Abdilahi Jawhar, Hiiraan Online
[email protected]