7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 19, 2022
Madaxweyne Farmaajo iyo Raysal wasaare Rooble oo si adag uga horyimid heshiis shidaal baaris ah oo uu saxiixay wasiirka batroolka
 

Sabti, Febraayo, 19, 2022 (HOL) - Madaxtooyada Soomaaliya ayaa caddeysay in heshiis shidaal baaris ah oo uu saxiixay Wasiirka Batroolka iyo Macdanta uusan wax wadatashi ah kala yeelanin Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Wasiirka batroolka ayaa bartiisa twitterka kusoo qoray in uu shirkadda Coastline exploration uu u saxiixay heshiis 7 xirmood ah oo shidaal baaris ah, isagoo sheegay in madaxweyne Farmaajo uu arrintaas  dhamaystirkeeda garab weyn ku siiyay.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegtay, Iyadoo la tixraacayo wareegtadii uu Madaxweynuhu soo saaray 7dii August 2021, in la joojiyay in la galo wax heshiisyo ah xilligan lagu jiro doorashooyinka.

Madaxtooyadu waxay sheegtay inuusan dhaqan gal ahayn heshiiska u soo saxiisay Wasiirka Batroolka.

"Madaxweynuhu wuxuu mar kale farayaa dhammaan hay’adaha Dowladda inay ka fogaadaan xilligan xasaasiga ah in hantida dadweynaha looga faa’iideysto si aan u adeegaynin danta guud, qof walbana lagula xisaabtamayo ku takfilka hantida qaranka," ayay tiri madaxtooyadu.

Dhinac kale, war kasoo baxay xafiiska raysal waaaaraha Soomaaliya ayaa lagu sheegay in heshiiska uu Wasiirka Batroolku saxiixay ee la xiriira arrimaha Shidaalka Soomaaliya, uu yahay mid sharci darro ah oo aan loo marin waddo shirci ah sidaas darteedna uu yahay waxba kama jiraan.

Ra’iisulwasaraha ayaa sheegay inuu qaadi doono tallaabooyin sharci ah oo looga jawaabayo falkaas oo lagu tilmaamay mid xadgudubka ku ah Hantida Qaranka iyo dhaxalka Jiilalka soo socda si loo ilaaliyo amaanada Ummadda Soomaaliyeed.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online