7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 19, 2022
Fahad Yaasiin oo goordhaw gaaray magaalada Baledweyne
 

Sabti, Febraayo, 19, 2022 (HOL) - Waxaa goordhaw garoonka diyaaradaha Baledweyne soo caga dhigatay diyaarad siday Fahad Yaasiin oo ah La taliyaha amniga qaranka madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday ee Farmaajo.

Masuuliyiin ka tirsan maamulka Hirshabeelle ayaa kusoo dhaweeysay garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif Baledweyne Fahad Yaasiin Xaaji Daahir oo ah Musharax Xildhibaan oo u taagan  u tartamida kursiga HOP 086, oo lasii og yahay inuu kusoo bixi doono kursigaasi oo wararku sheegayaan doorashadiisa ka dhaceyso xarunta ciidanka AMISOM ee Ceel Jaalle.

Fahad Yaasin ayaa la filayaa in saacadaha soo socda uu qaato shahaadada Musharaxnimo ee kursiga HOP 086, oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya, kaasoo Maalinta berito ah la qaban doono doorashadiisa iyo shan kursi oo kale.

Shalay galinkii hore ayay aheyd markii laba diyaaradood oo siday ciidamo iyo ergo la sheegay iney qeyb ka yihiin kuwa dooranaya Fahad Yaasiin ay ka dageen garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee magaalada Baledweyne.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online