7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 19, 2022
Raysal Rooble oo amray in la hakiyo qabashada doorashada kuraasta Banaadiriga
 

Sabti, Febraayo, 19, 2022 (HOL) - Raysal wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay in ay soo gaartay cabashada qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka ee Beelaha Banaadiriga.

Cabashadan ayaa ku aaddan, sida uu raysal wasaaruhu sheegay, guddiga odayaasha iyo bulshada rayidka ah ee soo xulaya ergooyinka dooranaya kuraasta Golaha Shacabka ee Banaadiriga.

Raysal wasaare Rooble, ayaa xubno ka mid ah Guddiga Doorashooyinka iyo xafiiskiisa, u xilsaaray arrintan si ay u baaraan warbixinna ugu soo celiyaan, sida ugu dhaqsiyaha badan.

Wuxuu raysal wasaaruhu guddigan faray in ay xal ka keenaan cabashada odayaasha Banaadiriga. Wuxuuna guddiga SEIT ee Banaadiriga faray in ay hakiyaan qabashada doorashada kuraasta Banaadiriga.

Dhinaca kale, guddoomiye ku xigeenka guddiga doorashooyinka banaadiriga ayaa is casilay. Lama oga waxa uu isku casilay, Waxaase lala xiriirinayaa faro galin ay guddigiisa ku hayaan madaxda sare ee dalka.

Isla maanta,  Guddoomiye Kuxigeenka Arrimaha Bulshada Gobolka Banaadir, Basma Caamir Jaketti, oo kamid ah dadka u sharraxan kuraasta Banaadiriga ayaa guddiga doorashada ku eedeysay in ay soo saareen warqad been abuur ah oo xad gudub ku ah hufnaanta doorashada.

Basma Caamir Jaketti waxay sheegtay in ay ka cabanayso warqad kasoo baxday guddiga doorashada Banaadiriga, taas oo ku saabsan shaacinta guddiga xulista ergooyinka kuraasta Banaadiriga.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online