7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 19, 2022
Wasiir Jamaal: Cawaaqib xumo fog ayaa ka dhalan doonta haddii faro galin lagu sameeyo doorashada Bosaso

Sabti, Febraayo, 19, 2022 (HOL) - Wasiirka qorshaynta iyo iskaashiga caalamiga ah ee dowladda Soomaaliya, Jamaal Maxamed Xasan, ayaa sheegay in ay cawaaqib xumo ka dhalan doonto haddii faro galin lagu sameeyo doorashada kursiga hop 169.

Wasiir Jamaal oo haatan ku sugan magaalada Boosaaso, ayaa sheegay in maamulka madaxweyne Deni uu goobta doorashada ka dhigay garoonka diyaaradaha Bosaso, isagoo sheegay in halkaas la geeyay ciiddamo dowladdo shisheeye maalgalinayaan oo loo adeegsan karo dano khaas ah.

“Arrintan ma ahan arrin sahlan oo nin intuu meel teendho ka dhisto uu wuxuu rabo sameynaya. Waxa ay ku keenaysaa cawaaqib xumo fog, dadka ku shaqada leh ee faraha ku haya arrintan iyo kuwa ku garab siinaya,” ayuu yiri wasiir Jamaal oo BBC Somali wareysi siinayay.

Wasiir Jamaal ayaa sheegay in loo baahan yahay beelaha kuraastooda in faraha looga qaado, ayna cidda ay rabaan usoo xushaan. Wuxuu caddeeyay in ay kasoo horjeedaan in teendho loo dhisto doorashada oo laga fogeeyo meelihii loogu talo galay sida jaamacaddaha iyo in cid gaar ah loosoo qorto.

Hadalka wasiir Jamaal ayaa kusoo aadaya, iyadoo maanta madaxweynaha Puntland, Siciid Deni uu safar ugu ambo baxay magaalada Boosaso, waxaana safarkiisa lala xoriirinayaa arrimaha doorashada aqalka hoose.

Bosaso, waxaa lagu dooran doonaa 16 kursi oo ah xildhibaannada gobolada Bari iyo Sanaag. Kuraasta inta kale waxaa lagu dooranayay magaalada Garowe.



Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online