7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 19, 2022
Shirkadaha isgaadhsiinta ee ugu waa wayn Somaliland oo gaadhay heshiis layskugu furayo khadka
 

Sabti, Febraayo, 19, 2022 (HOL) - Wasaarada Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyada Somaliland, ayaa soo gaba gabaysay heshiis layskugu furayo khadadka telefoonada labada shirkadood ee ugu waa wayn dhinaca telefoonada iyo isgaadhsiinta, ee Telesom iyo Somtel.

Heshiiska ayaa marka la hirgaliyo waxa uu sahli doona, in qofka haysta kaadhka Somtel uu wici karo qof haysta Telesom, halka qofka haysta kaadhka Telesom na uu awoodi doono in uu waco qofka haysta Kaadhaka Somtel.

Xukuumada Somaliland ayaa ku howlan qorsheyaal ay wax kaga dhaxaysiinayso shirkadaha kala duwan ee is gaadhsiinta, waxaana sidookale maalmo ka hor lagu heshiiyay in la sameeyo khad Internet ah oo ka dhaxayn doona Shirkadaha Somtel, Telesom, Somcable iyo xukuumada oo saami ku yeelanaysa.

Hoos ka akhriso wareegtada heshiiska shirkadaha Somtel iyo Telesom oo dhamaystiran:-


Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online