7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 19, 2022
Cabasho xoogan oo kasoo yeereysa kuraasta berito doorashadooda lagu qabanayo magaalada Baledweyne
 

Sabti, Febraayo, 19, 2022 (HOL) - Iyadoo maalinta berito ah oo taariiqdu ku beegan tahay 20-02-2022 lagu wado in magaalada Baledweyne lagu qabto doorashada kuraastii ugu horeysay ee deegaan doorashadoodu tahay magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, ayaa waxaa soo baxaya cabashooyin aan kala joogsi laheyn oo kasoo yeeraya qaar ka mid ah Beelaha iyo Musharaxiinta dooneysa iney u tartamaan kuraasta beri doorashadooda ka dhaceyso Baledweyne.

kuraasta cabshada xoogan ka taagan tahay ayaa kala HOP 086, HOP 109, HOP 274, kuwaas oo Musharaxiinta u taagna u tartamidooda iyo waxgaradka beelahooda ay sheegeen in kuraastaasi ay shaqsiyaad gaar ah u xireen madaxda maamulka Hirshabeelle.

Musharax Khaalid Muxumed Gaabane oo doonaya inuu u tartamo kursiga HOP 086, oo ah kursi uu doonayo inuu u tartamo Fahad Yaasiin ayaa sheegay in kursigaasi uu moqday mid si gaar ah loogu xiray taliyahii hore ee hay'adda NISA, islamarkaana doorashada loogu qabanaayo agagaarka garoonka diyaaradaha Baledweyne xeyndaabka ciidanka AMISOM.

"Ilaahey waa awood badane ciidamadiisa way badan yihiin haduu doono daalim inuu qabto waxuu usoo adeegsan karaa malakul Jibriil, haduu doonana waxuu u adeegsan kara guddiga doorashada, Fahad Yaasiin waxa uu si cad u boobaya kursiga Beesha waxuuna soo qortay ergo 10 ruux oo beesha ah oo uu ku dhexdaray ciidamadiisa, guddiga doorashada Hirshabeelle liiska ay soo saareen oo ay sheegeen iney yihiin odayaashii reer Owxasan ee kursiga lahaa waa mid waxba kama jiraan ah" ayuu yiri Musharax Khaalid Muxumed Gaabane.

Waxaa sidoo kale jirta cabasho xoogannoo isna Beesha Makane ay ka qabaan kursiga sumadiisu yahay HOP 109, kaasoo ay sheegeen in shaqsi gaar ah loo xiray, islamarkaana ay sheegeen in madaxweynaha Hirshabeelle uu ka baxay balankii ahaa inuu qabanaayo doorasho cadaalad ah.

"Kursiga Beesha waxaan u baahanahay inuu noqdo mid furan oo ay u wada tartamaan sadaxda Musharax ee Beesha, mana ogolin in shaqsi gaar ah loo xiro, Odayaasha lagu sheegay kuwa soo xuluya ergada kursiga 109 mahan Odayaal ee waa askar laga dhex qabsaday gudaha xerada lamagalaay, marka waxaan leenahay madaxweynaha balanka horay u qaaday fuli oo doorashada cadaalad u qabo" ayuu yiri mid ka mid ahaa nabadoonada beesha Makane.

Dayib Qanyare Ibraahin oo ah Musharax u taagan u tartamida kursi HOP 274, ayaa dhankiisa sheegay in doorashada berito la qabanayo ay tahay mid boob ah, islamarkaana kursiga uu u tartami lahaa loo xiray hal qof, isagoona ugu baaqay guddiga doorashooyinka iney hakiyaan doorashada kursigaas.

"Kursiga aan doonaya inaan u tartamo ee HOP 274, sanadkii 2016 doorashadiisa Jowhar buuqii ka dhacay waxaa ku dhaawacmay madaxweyne Guudlaawe wiilkiisa, maanta waa goob joog, waxaana kursiga lii xiray ninka ku fadhiya mudadii sagaalka sano aheyd ee lasoo dhaafay, cabashadeyda wan u gudbiyay Guddiga doorashada heer Fedaraal, kan xalinta Khilaafaadka, marka waxa socda waa xaaraan" ayuu yiri Musharax Dayib Qanyare.

Maalinta berito ah ayaa lagu wadaa in Baledweyne ay ka dhacdo doorashada kuraastaan laga cabanaayo iyo sadax kursi oo kale oo wadarta guud ka dhigeysa 6 kursi oo noqoneysa kuraastii ugu horeysay ee doorashadooda lagu qabto magaalada Baledweyne oo ay taalo 25 kursi oo ka mid ah Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online