7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 19, 2022
Soomaaliya iyo Maraykanka oo kawada hadlay dib u dhiska ciidamada Soomaaliya
 

Sabti, Febraayo, 19, 2022 (HOL) - Safiirka Maraykanka ee Soomaaliya iyo taliyaha ciidamada Maraykanka ee afrika, ayaa booqasho ku tagay saldhigga ciiddanka Maraykanka ee Balidoogle.

Booqashada Balidoogle, Danjire André iyo General Townsend waxay wadahadal  la yeesheen Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage.

Kulanka waxaa diiradda lagu saaray danaha amniga Soomaaliya iyo dhismaha ciiddanka qalabka sida ee Soomaaliya, xilli uu Maraykanku si kumeel gaar ah u hakiyay howlihii tababarada ciidamada Soomaaliya.

Madaxweyne Joe Biden ayaa isbeddel ballaaran ku sameeyay weerarada cirka ee uu Maraykanka kula dagaalamayo kooxaha xagjiriinta, kadib markii hay’addaha u doodda xuquuqda Aadanaha ay walaac ka muujiyeen khasaaraha dadka rayidka ah.

Bishii August ee sannadkii hore ayaa ugu dambeysay duqayn uu Maraykanku ka geysto Soomaliya, waxayna ahayd markii uu duqeeyay saldhig Alshabaab ku lahaayeen Camaara ee koonfurta Mudug.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online