7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 19, 2022
Maxkamad kutaala dalka Malaysiya oo lasoo taagay nin Iraaqi ah oo la haysto dilka gabadh Soomaali ah

Sabti, Febraayo, 19, 2022 (HOL) - Nin u dhashay dalka Ciraaq ayaa lasoo taagay maxkamadda magaalada Ampang ee dalka Maleysia, kaddib markii lagu eedeeyay inuu dilay gabadh Soomaali ah, oo dalkaas waxbarasho u joogtay.

Cali Axmed Cabdullaahi Al-Maghazachi,  oo 25 jir ah, oo lagu soo oogay inuu dilay Dahabo Cumar Cali, ayaa Sida uu dhigayo qodobka 302 ee xeerka ciqaabta, haddii lagu helo dambigaan waxaa lagu xukumidoonaa dil toogasho ah.

Ma jiro wax qiraal ah oo laga duubay eedeesanaha waxaana dacwaddiisa  gacanta ku haysa Maxkamadda Sare ee dalkaas, taasoo kiiskan u qabatay illaa 9-ka May in lasoo gabagabeeyo..

Warbaahintu waxay sheegtay in ninka Ciraaqiga ah uu haysto kaarka Qaramada Midoobay ee Qaxootiga (UNHCR), waxaana lagu xiray Jalan Ampang Putra, Ampang, si gacan looga geysto baaritaannada dilka.



Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online